Muqdisho-KNN-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka ee xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal sheegaya in Wasaaradda Batroolku ay qaban doonto shirar muhiim ah oo looga hadlayo arimaha shidaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in shirka koowaad ay ku qabanayaan dalka Turkiga oo ay ka qeyb galayaan shirkado laga leeyahay dalkaas iyo shirkado kale oo daneeya Shidaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Mareykanka ayuu sheegay in Shirka labaad uu ka dhacayo waxaana uu sheegay in si la mid ah ay kasoo qeybgeli doonaan Shirkado laga leeyahay Mareykanka kuwaas oo daneeya Shidaalka Soomaaliya.
Wasiir Hilaal ma shaacin waqtiga rasmiga ah oo ay shirarkaas ay qabaneyso Wasaaradu, waxaana jirta kala aragti duwanaan ku saabsan arimaha shidaalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in shirkii ku saabsanaa shidaalka Soomaaliya ee 7dii Febraayo lagu qabtay Magalada London ee dalka Ingiriiska uu dhaliyay kala shaki badan.
