Somali News

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay kiisas badan oo Coronavirus ah

Muqdisho-KNN-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay tirada dadkii maanta laga helay cudurka Coronavirus.

Wasaaradda warbinteeda ku shaacisay 49-kiis oo Coronavirus ah, kuwaas oo laga kala diiwaan geliyay inta badan deegaanada dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Maalintii labaad oo xariir ah wasaaraddu ma shaacin wax dhimasho ah oo uu sababay xanuunka Corona, waxaana kasoo bogsatay afar qofood.

Gobolka Banaadir oo laga diiwaan galiyay tirada ugu badan ee dadkaas ayaa laga helay cudurka 26 qofood, Koonfur Galbeed ayaa laga diiwaan geliyay 9-kiis, Puntland ayaa laga helay 8-kiis, halka deegaanada Somaliland cudurkaas laga helay lix qofood.

38 kamid ah dadkan saacadihii u dambeeyay laga helay cudurka waa rag, halka 11-ka kale ay dumar yihiin.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,219 xaaladood, tirada guud ee bogsashada ayaa gaartay 130 qofood, halka dhimashada uu sababay cudurkaas ay weli tahay 52 qofood, inta la ogyahay.