Uncategorized

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay in ay sii kordhayaan dadka qaba cudurka Juudaanka.

Muqdisho-KNN-Fowsiyo Abiikar Nuur wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ku soo batayn dadka Cudurka Juudaanka.

Wasiir Fowsiyo ayaa sheegtay in cudurkan ay qabaan dad gaaraya 1,576 oo qof, kadib baaritaano ay sameysay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Fowziyo ayaa sheegtay in aysan dadkaasi cunin dad kale balse cudurkaas uu yahay mid jira oo dadka ku dhaca waxaana go’go’aya faraha iyo cinjiyaha dadka qaba cudurkaasi.

Waxa ay sheegtay dadka cudurkan qaba 187 qof oo ka mid ah in ay yihiin caruur, 93 Saddex oo ka mid ah uu cudurkan naafeeyay, waxayna tilmaamtay in cudurkan la yareyn karo hadii dadka ay soo raadsadaan dawooyinka loo talagalay.