Uncategorized

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya oo ka hadashay dagaalada la qorsheeyay ee ku wajahan Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Prof. Sokor Jaamac Geyre Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo la hadlay VOA-da ayaa faah faahin ka bixiyay abaabulka dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhawaan ka bilaaban doono Soomaaliya sida uu qorshuhu yahay.

Agaasimaha ayaa sheegay Howlgalada ka dhanka ah Shabaab in ay bilowdeen, hadana ay marayaan meelo wanaagsan kaliyana ay ka dhimantahay in ay dhaqaqaan Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si loo wiiqo Awoodda Al-Shabaab.

Prof. Sokor ayaa sheegay in ay diyaarsan yihiin Ciidamada Soomaaliya balse ay sugayaan oo kaliya amar ka soo baxa Madaxda Qaranka oo ku aadan in la dhaqaaqo, awoodda Al-Shabaab ayuu ku sheeegay in ay tahay mid aad u liidato oo aysan ka hor imaan karin Ciidanka Xoogga Soomaaliya.