Uncategorized

Wasaaradda Gaashaan-dhigga oo ka war bixisay dagaalkii ka dhacay Sh/Hoose.

Muqdisho-KNN-Cabdullaahi Iimaan Ceynte Afhayeenka Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii shalay Ciidamada Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ay kula wareegeen deegaano ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Bariire Mubaarak iyo meelo kale oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen.

Afhayeenka wasaaradda Difaaca ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku sheegay in howlgalada oo shalay Al-shabaab looga furtay hub kala duwan uu yahay mid aan joogsan doonin ilaa Al-shabaab laga saarayo meelaha wali gobolka Sh/Hoose ay ka joogaan.

Waxa uu intaasi ku daray in maadaama uu gobolka Sh/Hoose yahay meel Istiraatiiji ah lagama maarmaan ay tahay in laga saaro Al-Shabaab, ciidanka Soomaaliya ayuu sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay ula wareegi lahaayeen goobaha gacantooda ka maqan.

Howlgalada socda ayuu ku tilmaamay Cabdullaahi Iimaan Ceynte afhayeenka Ciidanka Xoogga  in ay ka duwan yihiin howlgaladii hore maadaama aaney joogsan doonin inta Al-Shabaab awoodooda laga wiiqayo.