Uncategorized

Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo baabi’isay Rugta Ganacsiga Soomaaliya kuna baaqday doorasho cusub.

Muqdisho-KNN-Khadra Axmed Ducaale oo ah wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in la baabi’iyay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya .

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in iyada oo lagu dhaqmayo xeerka Ganacsiga ee 1985tii la isugu yeeray dhamaan Rugaha Ganacsiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale Warqadda waxaa ay sheegeysaa in Amarkan lagu baabi’yay Rugta Ganacsiga Soomaaliya lagu wargeliyay dhamaan Madaxda Dowladda Soomaaliya,Maamul Goboleedyada iyo Rugaha Ganacsiga ee dalka.

Waxaa sidoo kale Qoraalka lagu sheegay in maamul KMG ah la sameynayo kaddibna loo diyaar garoobayo dhismaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Hoos ka aqriso War-saxaafadeedka