Somali News

Dowladda oo ka war bixisay Kalluun ku soo caariyey xeebta Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wasaaradda kallumeysiga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa faah-faahin hor dhac ah ka bixisay kalluun shalay lagu arkay xeebta magaalada Muqdisho, kaas oo soo caariyey.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Kallumeysiga Maxamuud Sheekh Cabdullahi oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kalluunkaas uu kusoo caariyey xeebta u dhaw xerada Xalane, isla markaana aysan jirin meel kale oo lagu arkay.

Kalluunkaas oo aad u badnaa ayaa subaxii hore ee shalay lagu arkay xeebta waxuuna sheegay agaasimuhu inuu yahay hal nuuc oo yar-yar laguna magacaabo Ceydi, kaas oo kalluumeysatadu ay ku dabtaan kalluunka kale ee waaweyn oo uu sheegay inuu cuno.  

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay inay wasaaradda Kalluumaysigu wado baaritaan ku aadan waxa sababay in kallun intaas la’eg uu banaanka u soo baxo, dhinaca kalena ay wadaan qorshe looga hor tegayo kalluumaysiga sharci darrada ah oo kalluunka ku jira xeebaha Soomaaliya ay wasaaraddu ka qaadeyso DNA si sharciga loola tiigsado dalkii lagu arko dekadihiisa.

Muuqaalo shalay lagu baahiyey baraha Bulshada ayaa muujinayey kallunkaas yar-yar oo daadsan xeebta banaankeeda, kaas oo dadku macnaynayeen mid la sumeeyey, inkastoo aysan weli jirin baaritaan dhab ah oo lagu sameeyey.

Weriyaha Idaacadda Kulmiye Liibaan Nuur Xasan ayaa warbixintan nooga diyaariyey.