Muqdisho-KNNDr C/raxmaan Ducaalle Bayle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Wasaaradda ay lacag dheeraad ah ku kordhisay Canshuurta laga qaado waxyaabaha laga soo dejiyo dekedda Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay in ay been abuur tahay wararka sheegayo in lacag dheeraad ay Wasaaradda dul saartay Canshuurta laga qaadi jiray ganacsatada wax kala soo degta Dekedda Muqdisho xili ay cabashadaasi qabeyn Ganacastada qaar.
Warbaahinta magaalada Muqdisho iyo Websit-yada Afka Soomaaliga wax ku qora ayaa maalmihii la soo dhaafay baahiyay Ganacsato Cabaneysa oo sheegaya in la kordhiyay Canshuurta laga qaado Waxyaabaha laga soo dejiyo Dekedda Muqdisho.
Hadalka maanta ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa meesha ka saaraya Walaaca Ganacsatada ee ahaa in la kordhiyay Canshuurta Dekedda iyadoo sidoo kale maalmaha soo socda ay kulmi doonaan Ganacsatada iyo Xubno ka tirsan Wasaaradda sida uu sheegay Dr Bayle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.