Muqdisho-KNN-Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Xukumadda Soomaaliya ay wado qorshe ay ku shaqaaleysiineyso ku dhawaad 2,000 oo dhalinyaro ah kuwaas oo ka shaqeyn doono Xafiisyada Dowaldda Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Wasaaradda Qorsheynta ay wado dadaalo lagu shaqaaleysiinaayo dhalinyarada kadib markii uu amray ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre in shaqo loo abuuray dhalinyarada Jaamacadaha ka baxay iyo Kuwa Xirfadleyda ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay waajib tahay in la shaqaaleysiiyo dhalinyaradda kunool Soomaaliya.
Waxaana uu maamulka gobolka Banaadir uu ku Amray in ay deg deg ah ay ku shaqaaleysiiyaan 1000 ka mid ah dhalinyaradda kunool Muqdisho.