Somali News

Wasaaradda Warfaafinta oo beenisay in xilka laga qaaday Wasiir Hilaal.

Muqdisho-KNN-Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa beenisay warqad been abuur ah oo Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday Wasiir ku-xigeenka Batroolka.

“Wasaaradda warfaafinta waxa ay beenineysaa warqadda Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka  laga qaaday wasiir ku xigeenka  Wasaaradda Batroolka Mudane Hilaal”

Dowladda Soomaaliya ayaa dabagal ku heysa dadka wararka beenta ah ku faafiya baraha Bulshada ama warbaahinta kale.