Somali News

Wasiir Aw-Xersi “Xayiraada Duulimaadyada shaqaalaha Jubaland ayay saameyn ku yeelatay”

Wasiirka qorsheynta Dowlada Goboleedka Jubaland  Aadan Ibraahim Aw Xersi ayaa bartiisa xiriirka bulshada ku daabacay qoraal uu ku muujinayay sida uu u saameeyay xayiraada dhinaca duulimaadyada ah ee Jubaland la saaray.

Wasiir Aw Xersi ayaa qoraalkii uu daabacay wuxuu u qornaa sidan:

“Dhawr hawl-wadeen oo u shaqeeya Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland oo qaarna shaqo u joogey qaarna u soo aadi lahaa ayaa maalintii labaad ku kala xanniban Kismaayo iyo Xamar.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan cad ka gaartay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray Magaalooyinka Jubbaland si gaar ah Magaalada Kismaayo.