Uncategorized

Wasiir Beyle “Ganacsatadeyna Kenya waxay canshuur usiiyaan $ 450, annagana $ 45 ayay noo diideyn”

Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay cabasho ay muujiyeen qaar ka mid ah Ganacsatada wax kala soo degta Dekadda Muqdisho.

Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Canshuur dheeraad ah kusoo rogtay ganacsatada gobolka Banaadir, waxa ayna ganacsatada ka cabanayaan in aan si siman canshuurta looga qaadin dhamaan ganacsaada dalka.

Dekadda magaalada Muqdisho ayaan wax dhaq dhaqaaq ah ka jirin muddo Todobaad ah kaddib markii Ganacsatada Gobolka Banaadir ee Dekadda wax kasoo degsata lagu soo rogay canshuur dheeraad ah.

Wasiir Beyle ayaa Sheegay in Canshuurta sideeda ahaaneyso, Ayna la Fariisanayaan Ganacsatada gobalka Banaadir, Wasiir C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku doodaya in dalkasta ay dadkiisa Canshurta bixiyaan sidaas darteedna Ganacsatada Soomaaliyeed looga baahanyahay iin ay canshuurta bixiyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ee hada cabanaya qaarkood ay lacag badan oo canshuur ah siiyaan Dowladda kenya markii ay Dekadda Mambasa wax kala soo dagayaan laakiin aysan Dalkooda u ogolayn lacag dhan $ 45 taasina ay tahay ceeb iyo mas’uuliyad darro.