Somali News

Wasiir Beyle oo ka war bixiyay hanaanka maaliyadeed ee dalka

Muqdisho-KNN-Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ka hadlay arimaha maaliyadda dalka iyo halka ay u mareyso hanaanka deyn cafinta dalka.

“Maanta waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagay habsami usocodka shaqada Maaliyadda dalka iyo halka ay wax inoo marayaan, waxaan faah faahiyay shirarkii ugu dambeeyay ee aan Addis Ababa kula soo yeelanay Masuuliyiinta IMF, Bangiga Aduunka iyo wakiilada Beesha Caalamka” ayuu yiri wasiir Beyle.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Waxaan Bulshada la wadaagay in aan guul muhiim ah ka soo gaarnay Wajigii hore ee dib-u-eegista hanaanka 4-aad ee Deyn cafinta Soomaaliya (SMP4), guusha iyo horumarka waxaa u fure ah midnimada, wadajirka iyo in aan wax wada qabsano, taas ayaan baraare iyo wanaag ku gaari karnaa”.