Somali News

Wasiir Beyle oo khudbad u jeediyey qurba joogta Soomaaliyeed ee Washington.

Muqdisho-KNN-Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo safar ku jooga dalka Maraykanka ayaa qurba joogta Soomaaliyeed kula kulmay magaalada Washington DC, waxuuna uga warbixiyey nadaamka maaliyadeed ee dalka iyo waxyaabaha u qorsheysan wasaaraddiisa.

“Sharaf ayay iitahay in aan khudbadayda ka jeediyo shirka qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada  Washington, horumarka Soomaaliya cid marti ka ah ma jirto qurbaha joog ama dalkii joog, waa inaan wadajir uga wada shaqeynaa, dalkasta dadkiisa ayaa dhista oo wax tara, Soomaaliya dadkeeda uunbaa dhisi kara,”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale ayaa qurba joogta Soomaaliyeed ku ammaanay dhaqaalaha ay soo diraan dalka, taas oo wax badan ka qabatay baahiyaha qaar ee dalka ka jira, isgoo kula dardaaray inay labajubaaraan garab istaaga dalka iyo dadkaba.