Somali News

Wasiir Beyle oo maanta lagu wado inuu ku baaqo in laga cafiyo deynta lagu leeyahay dalka.

Muqdisho-KNN-Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle  ayaa maanta la filayaa inuu ku baaqo in wadamada iyo hay’adaha deynta ku leh soomaaliya ay lacagahaasi ay ka cafiyaan ama ay ka dhaafaan, iyagoo taasi  u cuskana gar gaarka bini aadinimo.

Mid ka mid ah Hay’adaha maaliyada ee dalka  mareykanka ugu waa weyn ee lagu magacaabo Jubalii USA ayaa sheegtay in boqolkiiba lixdan dadka soomaalida ay ku nool yihiin Saboolnimo, iyadoona dhinaca kale dalka uu la daaladhacayo Deynta culus ee lagu leeyahay dalka.

Soomaaliya ayaa lagu leeyahay 4.6 bilyan oo doolar,deynmaha badankooda waxaa soomaaliya ku leh dalalka Mareykanka, faransiiska,Talyaaniga, hay’adaha lacagta aduunka ee IMF iyo Bankiga Aduunka.

Wasiirka Maaliyada ayaa maanta lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo machadka Nabada ee dalka Mareykanka, waxaa uuna  ka mid yahay wasiirka  Wafdiga uu hogaaminayo R/ Wasaare Kheyre ee ku sugan magaalada Waashiton ee dalka mareykanka.