Uncategorized

Wasiir Cawad “Iran waxaan kala xaajoonaynaa sidii looga soo deyn lahaa maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran”

Muqdisho-KNN-Wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Telefishinka Soomaaliyeed ee ee Horn Cable ayaa sheegay in dhawaan dawlada Soomaaliya ergo u dirayso dalka Iran si ay wada xaajood uga galaan maxaabiis Soomaali ah oo dalkaasi ku xiran.

Wasiirku waxaa uu sheegay inay dhawaan dalka Iran loo dirayo wakiilo danjirayaal ah oo Soomaaliya ka socda kuwaasoo qorshuhu yahay inay xukuumadda Tehran kala hadlaan sidii loo sii deyn lahaa maxaabiis Soomaali ah oo ku jira xabsiyadda dalkaas.

Maxaabiistaas waxaa loo haystaa dambiyo ay ka mid yihiin burcad badeednimo sida wasiirku sheegay.

Mar wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya wax laga weydiiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Iran inuu lasoo celinayo wasiir Cawad waxaa uu sheegay inay jirin wax qorshe dhaw ah oo hadda jirta taasoo la xariirta in dib loo soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed oo horey u go’ay.

Dawladii uu M/weynaha ka ahaa Xasan Sh, Max’ud ayaa xiriirka u jartay dawlada Iran waxaana la xiray safaaraddii Iran ku lahayd Muqdisho.

Dhanka kale mr Cawad ayaa mar wax laga weydiiyay heshiiska Dekada magaalada Barbara waxaa uu yiri “Maya, ma heyno, heshiis ay galeyn Soomaaliya iyo Imaaraadka haddii uu jiri lahaa heshiis magaca dowladda Soomaaliyeed lagu galay buuqma ma jireen, dowladda Soomaaliyeed wey ixtiraami laheyn wixii heshiis ah, Imaaraadku nama tusin ilaa iyo hadda wax heshiis ah oo dowladda Soomaaliyeed ama xukuumadihii Soomaaliyeed ee federaaliga ah ay la gashay nama tusin”.