Muqdisho-KNN-Wasiirka arrimaha dibadda iyo ishkaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shir guddoomiyey shir wasiirada dalalka ku bahoobay Ururka Jaaamacadda Carabta ay ku yeesheen magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Kulankaas ayaa la sheegay intiisa badan in looga hadlay qadiyadda reer Falastiin iyo xaaladaha Wadamada xasilooni daridu ka jirto ee xubinta ka ah ururka.
Danjire Cawad oo mudooyinkii danbe ku sugnaa Qaahira ayaa kulan la qaatay Ra’iisal wasaaraha dalkaas masar Mustafa Madbuuli, iyagoo sida la sheegay ka wada hadlay arimaha iskaashi ee ka dhexeeya dawladaha Masar iyo Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha Masar ayaa dhankiisa balan qaaday in ay kordhinayaan taageerada ay siiyaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.