Somali News

Wasiir Cawad oo ka qeyb galay shir ka dhacay Sucuudiga ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Golaha Wadamada Carabta iyo Afrika ee ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ay martigelisay Caasimadda Sucuudiga ee Riyadh.

Wasiirrada ayaa waxa ay saxiixeen cahdiga golaha oo loogu gogol xaarayo si loo hordhigo Madaxda wadamada si ay u go’aamiyaan.

Isbahaysiga cusub ee dhidibada loo taagay ayaa ka kooban 8 dal oo Carbeed iyo Afrikaan, waxa ay kala yihiin Soomaaliya, Boqortooyada Sucuudi Carabiga, Masar, Urdun, Suudaan, Yemen, Eritrea iyo Jabuuti.