Somali News

Wasiir Cawad oo safiirkii labaad ku amray in maalmo gudahood uu dalka ku soo galo

Muqdisho-KNN-Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa loogu in uu dalka ku soo laabto safiirka Soomaaliya ee dalka Cumaan, Cabdiweli Cali Axmed.

Qoraalkan ka soo baxay xaafiiska wasiir arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa lagu amray danjiraha in muddo afar maalmood ah uu dib ugu soo laabto dalka.

Warqadda waxaa lagu xusay in sababta loogu yeeray danjiraha ay tahay sidii wax looga weydiin lahaa khilaaf la sheegay in uu kala  dhexeeyo diblumaasiyiinta kale ee safaaradda Soomaalya ay ku leedahay dalka Cumaan.

“Hadaba waxaa si xushmad ku jirto lagaaga codsanayaa inaad dhowrto ujeedada sare ku xusan, kuna timaado waqtiga laguu tilmaamay gudihiisa” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

La-taliyaha koowaad ee safaaradda Cumar Sheekh Maxmed ayaa lagu faray qoraalkan in uu ku sime kasii noqdo shaqada safaaradda inta uu ka soo maqanyahay safiirku.

Warqad sidan oo kale xalay uga soo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa Muqdisho loogu yeeray safiirka Soomaaliya ee Sudan Maxamed Isaaq Ibraahim iyo la-taliyaha koowaad ee safaaradda Cusmaan Axmed Maxamed.

Warar aan helnay ayaa tilmaamaya in 20-kii bishan uu dagaal gacan ka hadal ah dhex maray safiirka Soomaaliya ee dalka Sudan Maxamed Isaaq Ibraahim iyo la taliyaha 1-aad ee safaaraddaas Cusmaan Axmed Maxamed oo loo yaqaano Cusmaan Dheere.