Muqdisho-KNN-Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday wadamada Nordic in maalgeshi ay ku sameeyaan dalxiiska iyo kheyraadka dabiiciga ee dalka Soomaaliya.
Baaqan ayaa waxaa jeediyey wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo ka qeybgalay Shirka 18aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic oo ku qabsoomay Magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, socdayna maalmaha 7-8 November.
Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic ayaa ah madal sanadeed si furan ay labada dhinac u doodaan.
Kulanka oo loogaga hadlay habka xoojinta nabadda, ammaanka, ganacsiga iyo maalgeshiga ayaa waxaa ka qeybgalay 29 dowladood oo Afrikaan ah iyo wadamada Nordic sida Norway, Sweden, Denmark iyo Finland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caamiga ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay wadamada Nordic dano wadaag istiraatiijiyadeed oo ku qotanta dalxiiska iyo maalgeshiga.
Cawad ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal dihan oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga, kaluumaysiga, dhul beereed bacrisan iyo xoolo, waxa uuna tilmaamay in ka faa’ideysiga kheyraadkaasi uu soo afjari karo shaqa-la’aanta iyo colaadda.