Somali News

Wasiir Dubbe oo sheegay in Jimcihii la soo dhaafay Muqdisho laga sameeyay isku day Afgambi

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Prof Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay laga sameeyay isku day Afgambi, sida uu hadalka u dhigay

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamada amniga ka hortageen isku daygaas Afgambi.

“19-kii bishaan waxaa Muqdisho ka dhacay isku day Afgambi, ciidamo hubeysan ayaa yimid meel u dhaw Villa Somalia waxeyna dhaheen dalka dowlad kama jirto, madaxweyne ma jiro, waxaase Alle mahadiis ah in laga hortagay isku daygaas”

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa ku soo aadaya xili mucaaradka ay sheegeen in jimcaha soo socda uu Muqdisho ka dhici doono banaanbax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya