Somali News

Wasiir Faratoon oo beeniyay eedeyn Xisbiga UCID uu u jeediyay Jabuuti

Hargeysa-KNN-Yaasiin Xaaji Fatatoon Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, oo Hargeysa kula hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka hadlay arimo ay ka mid xiriirka dowladda Jabuuti iyo Somaliland, eedeyn ka dhan ah Eng Faysal Cali Waraabe iyo arimo kale.

Wasiir Faratoon ayaa ku gacan  u dalabkii xisbiga UCID ee ahaa in safiirka dalka Jabuuti laga saaro deegaanada Somaliland.

” Faysal wuu hadlay, wuxuu ku hadlayeyna waa la arkaayey, ninku wax dambiya muusan gelin, sabab dalka aannu uga saarnaana ma jirto safiirka dalka Jabuuti, kama saarayno, ee waxa  haboon in dacaayadaha la joojiyo,  umadana yaan la khaldin oo yaan waxkasta la buun buunin” ayuu yiri wasiir Faratoon.

Wasiirka ayaa sidoo kale  sheegay in Jabuuti iyo Somaliland ay walaalo yihiin xiriir soo jireen ahna uu ka dhaxeeyo, isagoo sheegay in aysan jirin wax cadaawad ah oo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu u qabo Somaliland, iyadoo arintaas uu guddoomiyaha xisbi mucaaradka UCID uu horay ugu eedeeyay Jabuuti.