Muqdisho-KNN-Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ka hadashay xariga Agaasimaha waaxda maaliyadda wasaaradda oo habeen ka hor ay ciidamada ka tirsan booliska kala baxeen gurigiisa uu ka deganaa magaalada Muqdisho.
Wasiir Fowsiyo Abiikar oo maanta warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in aysan jirin cid lasoo wadaagtay xariga loo geystay Agaasimaha waaxda maaliyadda eewasaaradda caafimaadka.
“Agaasimaha Waaxda Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Maxamed Buulle waxaa la xiray 4-tii bishan, Wasaaradda lalama soo wadaagin sababta loo xiray waxaana socda baaritaan”ayay tiri Wasiir Fowziya Abiikar.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in baaritaanka arrintan ay kala shaqeynayaan xaafiiska Xeer Ilaaliyaha iyo Hanti dhowrka Guud ee Qaranka, isla markaana ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin baaritaan kasta.
Halkan ka Daawo