Somali News

Wasiir Fowziya oo shaacisay in dad badan ay kasoo bogsadeen COVID-19

Muqdisho-KNN-Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay cudurka Coronavirus ka bogsoodeen 36 qofood ooh or leh.

Tiradaan bogsashada ah ee maanta la shaaciyey ayaa ka dhigeysa tirada guud ee dadka bogsooday cudurka 782 qofood.

Wasiir Fowziya ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 33 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo kala jooga Puntland 21 kiis,  Somaliland 7-kiis iyo  Galmudug oo laga diiwaan geliyay shan xaaladood oo Coronavirus ah waxaana warbixinta ku cad in aan kiisas cusub laga diiwaan gelin gobolka Banaadir.

Bukaannada cusub 30 kamid ah waa rag, halka seddaxda kale ay dumar yihiin, mana jirin dad loo diiwaan geliyay 24-kii saac ee u dambeeyay inay u geeriyoodeen cudurka COVID-19.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 2,812 xaaladood. Waxayna wasiir Fowziya Abiikar bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.