Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre oo hadal ka jeediyay kulankii natiijo la’aanta kusoo dhamaaday ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shabaab ku tilmaamay tiro xildhibaano ah oo maanta buuq ka sameeyay xarunta golaha Shacabka Soomaaliya.
Wasiir Goodax ayaa sheegay in ay jiraan xildhibaano gaaraya ku dhawaad 40 Mudane oo AlShabaab wakiil uga ah Golaha Shacabka.
Waxaa uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin in Fowdo laga sameeyo xarunta Golaha Shacabka xilli ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiintii Hey’addaha Ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Hoos ayaa kadhgeysa kartaa codka wasiirka.