Uncategorized

Wasiir Iidaan:- Tacsi ayaa u dirayaa Ehelada Fannaadda Sahra Axmed Jaamac.

Muqdisho-KNN-C/raxmaan Iidaan Yoonis Siihayaha Wasiirka Warfaafinta  Xukuumadd Soomaaliya ahna wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, Ehelada, Bahda Fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay ka geeriyootay Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd ee Sahra Axmed Jaamac oo muddo ku xanuunsaneysay magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland.

Marxuumad Sahra Axmed Jaamac ayaa waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, waxayna Maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsaneysay Isbitaalka Gargaaar ee magaalada Hargeysa balse maanta barqadii yay u geeriyootay xanuunkii ay la nooleed maalmihii la soo dhaafay.

Siihaya Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Marxuumad Sahra Axmed ay ka mid aheyd Fanaaniinta Laf Dhabarka u ahaa Fanka Soomaaliya, qeyb weyna ay ka qaadatay Wacyi gelinta Bulshada, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, Ehelka, Asxaabta iyo Shacabkana uu Samir iyo Iimaan allaha ka siiyo.

Marxuumad Sahra Axmed jaamac waxaa lagu naanaysi jiray Quruxdii Fanka Soomaaliyeed, waxaanay caan ku ahayd heeso iskugu jira Waddani, Jacayl, Guubaabin, Dhiirigelin, Haasaawe, Amaan, Duco, Wacyi & Wargelin-ba.