Somali News

Wasiir isku casilay taageerada dawlada oo laga hor istaagay

Muqdisho-KNN-Beledweyne-KNN-Warar aan ka helnay gobolka Hiiraan ayaa tibaaxaya in uu is casikay wasiir ku xigeenkii amniga ee maamulka Hirshabeelle ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle Geelle Isaaq Warsame.

Is casilaadda wasiir ku xigeenkii amniga ee maamulka Hirshabeelle ayaa timid, kadib markii uu sheegay in la is hortaagay, taageeradiisa ku aadan dhanka dawlada Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay iska hortaageen madaxda maamulka Hirshabeelle, ee uu ugu horeeyo madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku shaaciyay in uu iska casilay, xilkii wasiir ku xigeenka amniga ee uu ka hayay maamulka Hirshabeelle.

Waxa uu ugu baaqay in madaxda dawlada Soomaaliya ay ka soo jawaabaan cadaadiska ay taliska booliiska gobolka Hiiraan ku hayaan, dibad baxayaasha doonaya in taageeradooda ay u muujiyaan dawlada Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli maamulka gobolka Hiiraan ay amaro ka dhan ah  ka soo saareen banaanbaxyada lagu taageerayo dawlada dhexe ee dalka, taas oo la sheegay in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle uu bixiyay, iyo in sidoo kale uu amray in magaalada Beledweyne iyo guud ahaanba deegannada maamulka Hirshabeelle aan lagu dhigo banaanbaxayada la taageerayo dawlada Soomaaliya.