Somali News

Wasiir Islow: “Waxaan soo wadnaa is bedel amni” Daawo:-

Muqdisho-KNN-Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shirka madasha iskaashiga Soomaaliya oo ka socda magaalada Muqdisho waxa uu ka sheegay in ay wadaan is bedel amni oo lagu xasili doono dalka.

Waxa uu sheegay in is bedelka ay soo wadaan uu gun dhig u yahay maamul wanaag isku duw waafiya iyo isku duubni amni iyadoo la fulinaayo qorsha amniga ee xiliga kala guurka.

Waxa uu sheegay wasiir Islow in ay abuurayaan hey’ado amni oo tayo leh, iyagoo ka fiirinaaya awoodooda dhaqaale.

Halkaan ka daawo:-