Uncategorized

Wasiir Islow “Wixii xalay dhacay waxay ahaayeen Baco la Buufiyay ee Qaraxyo iyo Madaafiic ma dhicin”

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Wasaaradda amniga Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay Weeraro xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, arintaas oo walaac ku beertay Shacabka gobalka Banaadir.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in dhawaqyadii xalay laga maqlay magaalada Muqdisho ay ahaayeen baco lagu shubay baaruuda qaraxda, oo ah kuwa macmal ah balse aysan aheyn Qaraxyo sida uu hadalka u dhigay.

Waqti kooban oo qal qal xoog leh ayaa xalay ka jiray magaalada Muqdisho waxaana la maqlay dhawaaqa wax u eg Madaafiic kuwaas oo ku soo dhacayay degmooyinka gobalka Banaadir, sidoo kale waxaa jiray Qaraxyo Bam Gacmeed ah oo xalay ka dhacay degmooyinka Gobalka Banaadir.

Wasiir Ducaale ayaa sheegay goobaha laga maqlay dhawaqyadaasi in ay u direen Hay’adaha ammaanka, oo aysan jirin qof wax ku noqotay, wuxuuna tilmaamay in ujeedada ay aheyd in shacabka Soomaaliyeed aysan cibaadaysan oo aysan Tukan Salaada Taraawiixda sida uu hadalka u dhigay.