Somali News

Wasiir ka tirsan Jubbaland oo ka badbaaday qarax hoygiisa lagu weeraray.

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay qarax miino hoygiisa loogu xiray wasiirka deegaanka iyo dalxiiska ee dowlad goboleedyada Jubbaland, Ceydiid Suleymaan Xaashi.

Guriga la qarxiyay ee wasiirka ayaa ku yaalla xaafadda Siinaay ee magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Inta la ogyahay  seddax askari ayaa ku geeriyootay, kuwaasi oo ahaa ilaalada wasiirka  Deegaanka iyo Dalxiiska ee maamulka Jubbaland.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa uu ka badbaaday Wasiirka, balse ilaaladiisa ay ku dhinteen.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa  sheegay in qaraxa  uu ahaa mid guriga wasiirka lagu sii diyaariyey.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa faraha ka sii baxaya, xili mudooyinkii dambe ay halkaasi ka dhacayeen dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala beegsanayo masuuliyiinta ka tirsan maamulka Jubbada Jubbaland.