Somali News

Wasiir ka tirsan Xukumada Kheyre oo ku dhawaaqaya musharaxnimada Madaxweynaha Galmudug

Magalada Muqdisho waxaa haatan ka socota Munaasabadda ku dhawaaqista Musharaxa Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor-Qoor ),taas oo ay ka qeyb-galayaan mas’uuliyiin kala duwan.

Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor-Qoor ) oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa munaasada ku dhawaaqista Musharaxnimadiisa waxaa ka qeyb-galaya Mas’uuliyin ka tirsan Dowladda,Xildhibaano, Wasiiro,Siyaasiyiin,Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Mas’uuliyin kala duwan ayaa khudbado ka jeediyay munaasabadda, iyaga oo musharax Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor-Qoor ) ku sheegay in uu yahay Siyaasi u qalma xilka Madaxweynaha Galmudug,iyaga oo ku tilmaamay mid wax u qaban kara Bulshada Reer Galmudug.