Somali News

Wasiir ka tirsan xukuumada oo shaqada laga joojiyay

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha  Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Shaqada ka joojiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye Shaakuud.

Wasiir ku xigeenka oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa sababta Shaqada looga joojiyay lagu sheegay kadib soo jeedin ka timid Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir.

Sababta Shaqa joojinta Wasiir ku xigeenka ayaa lagu sheegay in ay tahay kadib markii dhawaan Hay’adda NISA ay shaacisay in uu howlahooda u fududeynayay Shabakad ku howlaneed dhaqista Dollarka been abuurka ah oo lagu qabtay Garoonka Aadan Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho