Muqdisho-KNN- Maxamuud Xayir Ibraahim wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta raali gelin ka bixiyay hadal lagu sheegay inuu gaf ahaa uuna Baarlamanka ka horjeediyay maalmo kahor.
Wasiiru dowlaha ayaa maalin kahor xilli ay Golaha shacabka horgeeyeen sharciga hanti dowraha waxaa uu Xildhibaan su’aal ku weydiyay lahjadda Maay-ga u sheegay in aanu fahmin jhadalkiisa oo uu su’aasha iska qasdariyay.
taasi ayaa dhalisay dood badan iyadoona siyaasiyiin iyo dad shacab ahba ay ku falanqeeyeen Baraha Bulshada.
Gudoomiyaha Golaha shacabka ayaa wasiiru dowlaha maanta kulanka Golaha ku faray inuu raali gelin ka bixiyo gaf uu geystay shacab Soomaaliyeed iyo lahjad ay ku hadlaan.
intaasi kadib ayaa wasiiru dowlaha wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim raali gelin ka bixiyay hadalkiisii maalin kahor.


