Kampala: KNN Wasiirka gaadiidka dalka Uganda Katumba Wamala ayaa ku dhaawacmay weerar ay koox hubeysan ku qaadeen xilli uu ka baxayay gurigiisa oo ku yaala magaalada caasimada ah ee Kampala.
Wararku waxay sheegayaan koox hubeysnaa oo watay mooto ay wasiirka rasaas ku fureen kadibna ay baxsadeen Darawalkiisa iyo gabar uu dhalay oo la socotay ayay wararka qaar sheegayaan ina weerarkaas ku dhinteen
Warbaahinta gudaha ayaa laga daawaday wasiirkaan oo dhaawac gacanta kaga yaalo dhiigna uu ka socdo.
General Katumba Wamala oo horey usoo ahaa taliyaha ciidamada lugta Uganda ayay boolisku sheegeen inuu dhaawac fudud soo gaaray.
General Katumba Wamala ayaa ahaa taliyaha ciidamada lugta dalka Uganda intii u dhaxaysay 2013 illaa 2017 waxaana uu dhanka siyaasadda uu u wareegay sanadkii 2019 markaasoo uu ka mid noqday golaha wasiirada Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan laakin dhawr weerar oo noocaan oo kale ah ayaa dalkaas ka dhacay kuwaasoo lagu qaarajiyay mas’uuliyiin dawlada Uganda xilal kala duwan ka hayay


