Somali News

Wasiir ka tirsanaa Hirshabelle oo caawa lagu dilay Jowhar

Koox hubeysan ayaa goordhow Magaalada Jowhar ku dilay Xildhibaan Cabdulqadir Abuukar Karaaani oo ahaa Wasiirka Beeraha Hirshabelle oo dhawaan xilkaasi uu u magacaabay Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta baxsaday, sida uu soo sheegayo weriyaha KNN ee magaalada Jowhar Bashiir Cali Daahir.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka ee Magaalada Jowhar.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa baaritaano ka wada xaafadaha magaalada Jowhar ee gobolka shabellada dhexe, kuwaasi oo baadi goobaya raggii ka dambeeyay dilkii caawa loo geystay wasiir ka tirsan maamulka Hirshabelle