Somali News

Wasiir ka tirsanaa Puntland oo ku geeriyooday Garoowe.

Wasiiru dowlihii madaxtooyada maamulka Puntland Maxamed Xasan Ciise ayaa goor dhow ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. 

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida Wasiiru dowlihii madaxtooyada Maxamed Xasan Ciise. 

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan wasiiru dowlaha uu u geeriyooday  Naqaska oo ku xirmay, waxaana la sheegay in  3 saddex maalmood uu  xanuunsanaa, islamarkaana waxaa la tilmaamay inuu la xanuunsanaa  qandho, madax xanuun iyo Naqasku qabanayey.