Muqdisho-KNN-Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ee maamulka Hirshabelle A.U.N Siciid Xaashi Tooxow ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho kadib markii maalmihii la soo dhaafay uu xanuunsanayay.
Xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in Allaha Unaxariistee Marxuum Siciid Xaashi Tooxow uu maalmihii dambe ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, islamarkaana xanuunkaas dartiis uu xalay ugu geeriyooday Isbitaal Degfeer ee Muqdisho.
Geerida marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo Mas`uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.