Somali News

Wasiir katirsan Soomaaliland oo Musuq Maasuq loo xiray

Hargeysa-KNN-Ciidamada Booliiska Soomaaliland ayaa xiray wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi gelinta Soomaaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo.

Wasiirkaan ayaa loo xiray musuq maasuq la sheegay in uu ka sameeyay wasaaradda warfaafinta waxa uuna ku jira xabsi ku yaala magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland.

Wasiir Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa la sheegay in maalmo ka hor xilka wasiirka uu ku wareejiyay ku xigeenkiisa Maxamed Muuse Abees. Ciidamada Booliiska Soomaaliland ayaa maalmo ka hor masuq maasuq u xiray saraakiil sar sare oo katirsan Soomaaliland.