Somali News

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo geeriyootay

Allaha u naxariiste ee waxaa dalka Jabbuuti ku geeriyootay Wasiirkii Wasaaradda Haweenka iyo xuquuq insaanka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Marxuumad Khadiijo ayaa qaliin ku gashay Isbitaal ku yaalla dalka Jabbuuti, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyska.

Muddo dheer ayay ka tirsaneyd Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.