Somali News

Wasiir ka tirsan xukuumadda Khayre oo shaqadii laga joojiyay

Muqdisho-KNN-Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa waxaa shaqadii looga joojiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Sababta shaqada looga hakiyay ayaa waxa lagu sheegay inay socoto baaris ku aadan eedeyn ay Hanti dhawrka iyo Xeer ilaalinta ku soo oogeen Wasiir ku-xigeenka, oo la xiriirta musuq maasuq.

Wasiir ku xigeenka shaqada laga joojiyay ayaa afartii bishan waxa ay isku dayeen ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya, in ay xabsiga dhigaan, iyada oo lagu eedeeyay fal musuq ah.

Arintan ayaa maalmo kahor buuq badan dhalisay, waxaana la ogeyn halka ay ku dhamaan karto.