Somali News

Wasiir Maareeye oo digniin u diray Shirkadaha Korontada.

Muqdisho-KNN-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ku goodiyay  in Shirkado Shisheeye ay keeni doonaan hadii aaney Shirkadaha Korantada dalka iyo kuwa biyaha bixiya hoos udhigin Qiimaha Korantada iyo biyaha oo ay bixiyaan.

Shacabka soomaaliyeed ayuu ku sheegay wasiirku in qadyaan ay ka taaganyihiin qiimaha iminkadaan ay siistaan shirkadaha biyaha iyo korontada bixiya kuwaas oo ku sheegay inay tahay mid xadkii loogu talagalay dhaafay.

Intaa waxa uu ku daray hadalkiisa in loo baahanyahay iyada oo macaash la raadinayo haddane qiimaha hoos loo dhigo si shacabka soomaaliyeed ee aan waxba haysan aysan saameyn ku yeeelan sicirka sare.

Hadalkaan ayuu ka sheegay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda soomaaliya maxamed cabdi xayir maareeye kulan looga hadlay hormarinta ganacsiga iyo warshadaha dalka.