Somali News

Wasiir Maareeye oo maanta Hortagay Golaha Shacabka

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa maanta waxa ay kuklan koodii caadiga ahaa ku yeesheen xaruntooda Muqdisho  waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan.

Kulanka  ayaa ku furmay  148 mudane  waxuuna Ajanduhu maanta ahaa  hindise sharciyeedka  Shirkadaha ganacsi, waxaana goobjoog ka ahaa wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha  Soomaaliya Maxamed Xayir Mareeye.

Xildhibaan Daahir  Maxamuud Muuse oo kamid ah  guddiga Ganacsiga iyo Warshada ee Baarlamaanka ayaa waxa uu ka warbixiyay  hinsaha oo markii labaad ay Barlamaanka horgeeyeen wuxuuna sheegay in markii uu maro sharcigaan aqrinta Seddaxaad ay dib ugu soo cili doonaan Xildhibaanada si loo ansixiyo Todobaadka soo socda.

Fadhiga ay maanta yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa uu Sabtidii nadhaaftay u baaqday Koram la,aan, intii uu furnaa kala fadhiga Shanaad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa dhowr jeer koram la,aan u furmi waayay kulamo ay yeesheen Xildhibaanadu.