Uncategorized

Wasiir Maareeye oo shaqadii ka Eryay Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Muqdisho-KNN-Warqad uu soo saaray Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ee xukuumada Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareye ayaa  xilkii looga qaaday agaasimihi guud ee wasaarada iyo sidoo kale agaasimihi waaxda ganacsiga ee wasaarada.

Warqadda xilka qaadista mas’uuliyiinta ka tirsanaa Wasaarada ganacsiga maanta soo baxday ayaa waxaa ku saxiixnaa wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxaana lagu qoray in lagu ogeysiiyay Ra’iisal Wasaaraha xukuumada , hantidhowraha Guud , Xisaabiyaha Guud iyo Mas’uuliyiin kale.