Somali News

Wasiir musuq lagu eedeeyay oo lagu xiray dalka Congo.

Muqdisho-KNN-Wasiirkii hore ee caafimaadka Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ah ee Congo aya la xiray kadib markii lagu eedeeyay in uu si khaldan u maamulay maaliyad loogu talo galay jawaabta ay Dowladdu ka bixineeyso xanuunka saf-mareenka ah ee Ebola.

Booliiska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Oly Ilunga loo xiray in uu doonayay in uu wadanka ka baxo isagoo ka baxsanaya sharciga.

Waxa la sheegay in hadda wasiirkii hore uu ku jiro xabsiga islarkaana ay baaristiisa qayb muhiim ah ka qaadan doonan xeer-ilaalinta wadanka si maxkamad loo soo taago.

Qareenadda Oly Ilunga ayaa diiday in ay ka hadlaan xarriga Wasiirkii hore ee caafimaadka, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Kadib markii looga shakiyay in uusan si wanaagsan u maamulin lacagta loogu talo galay in wax looga qabto xanuunka Ebola ayaa laga wareejiyay masuuliyadii maamulka maaliyadda, isaguna waxaa uu iska casilay xilkii isagoo sheegay in faro gelin lagu hayo.

Kadibna, ciidanka Booliiska aya bilaabay baaris musuq-maasuq waxayna su’alo weydiiyeen dhowr jeer ka hor inta aysan xirin.