Somali News

Wasiir Qarjab“Si qaldan ayaa loo fasiray Hadalka Madaxweyne Gaas.”

Garoowe-KNN-Gudiga difaaca puntland oo maanta  kulan ku yeeshay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay ka hadleen kulankooda  Dil Shalay ka dhacay Gobalka Sanaag, kaasi oo  loo geystay Suldaan Xasan Cali Jibriil iyo Socdaalka uu Madaxweynaha Puntland  ku tagay Gobalkaasi.

Sidoo kale gudiga difaaca ayaa soo hadal qaaday hadal ka soo yeeray  Xildhibaanada iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed, kaasi oo ku aadan in Madaxweyne Gaas uu sheegay in Al-Shabaabka ku  sugan deeganada Puntland ay ka yimaadeen  Deegaanada Koofur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta  ee Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo la hadlay Warbaahinta ayaa difaacay Hadalka Madaxweynaha Puntland , waxaa uu sheegay   in la siyaasadeeyay hadalkii madaxweyne Gaas ee ahaa in Deegaanada Puntland laga Saaro Al-Shabaab iyo Daacish, islamarkaana Waxaa uu tilmaamay in si qaldan hadalkaasi loo fasiray.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Shacabka Puntland ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan Al-Shabaab iyo Daacish.