Dhuusamareeb-KNN-Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxda Ahlusuna ayaa waxaa ay xalay kulan ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Kulanka Wasiirka Arimaha gudaha iyo madaxda Ahlusuna ayaa waxaa ay uga hadleen sidii loo qancin lahaa tabashada ay qabaan hoggaanka Ahlusunna oo diiday Guddigii farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya.
Hoggaanka Ahlusunna ayaa kasoo horjeestay Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Dhismaha Galmudug ayaa xiligan waxaa wajahaya culeys weyn.


