Somali News

Wasiir Sabriye iyo Sheikh Shaakir oo maanta la kulmay Guddiga qaban-qaabada shirka Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb-KNN-Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay gogosha nabadeed ee la dhigay  magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa maanta kulan la qaatay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Kulanka oo ka dhacay xarunta ay guddigu ku shaqeeyaan ayaa looga haday soo dhaweynta Ergooyinka ka qeyb galaya shirka, amniga magaalada iyo furitaanka shir dib u heshiisiinta oo lagu balansanyahay in 17-ka bishan uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow oo kulanka ka war bixiyay ayaa sheegay in Sheikh Maxamed Shaakir uu u caddeeyay guddiga in guud ahaan bulshada Dhuusamareeb ay u diyaar garowday soo dhaweynta ergada shirka, lana diyaariyay goobihii ay dagi lahaayeen, sidoo kalana aad loo adkeeyay amaanka magaalada uu shirku ka dhacayo ee Dhuusamareeb.

Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa shaaciyay in beelahada badankood ay soo gudbiyeen ergada uga qayb geleysa shirka, waxa uuna beelaha kale ka codsaday in ay soo gudbiyaan liiska ergada uga qeyb galaysa shirka, maadaama uu shirku furmayo 17-ka bishan Agosto.