Somali News

Wasiirada Amniga Maamul Gobaleedyada oo Shir uga furmaya Kismaayo.

Kismaayo-KNN-Wasiiradda Amniga maamul Goboleedyadda ka jira Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Shir uu ugu furmo Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb gali doona Taliyeyaasha Ciidamada maamulada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Wasiiradda Amniga Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan Magaalada Kismaayo, iyadoona Hada Kismaayo ay joogaan Wasiirada Amniga ee Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa soconaya diyaar garow ku aadan soo dhaweynta Wasiirada Amniga iyo Taliyaasha Ciidamada ee Maamul Gobaleedyada.

Qodobada looga hadli doono Shirka ayaa waxaa qeyb ka ah sidii loo dhisi lahaa Ciidan ay leeyihiin maamul goboleedyadda ee ka kooban 4 kun oo Askari iyo qodobo kale.

Amniga Magaalada Kismaayo ayaa Maanta aad loo adkeeyay, iyadoona Wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad fara badan, kuwaasi baaraya Gaadiidka iyo Dadweynaha.