Somali News

Wasiirada amniga Maamul Gobaleedyada oo shir uga furmaya Kismaayo

Kismaayo-KNN-Wasiirada amniga iyo Taliyaasha ciidamada maamul Gobaleedyada ayaa dhawaan waxaa la filayaa in shir ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii loo dhisi lahaa Ciidan ay leeyihiin maamul goboleedyadda ee ka kooban 4 kun oo Askari.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in Wasiirada amniga iyo Taliyaasha Ciidamada maamul Gobaleedyada ay isku yimaadaan Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa la filayaa in Gole amni ay ku dhisaan Wasiirada amniga iyo Taliyaasha ciidamada maaamul gobaleedyada.

Waxaa hada soconaya diyaar garow ku aadan oo Wasiirada Amniga iyo taliyaasha ciidamada maamul Gobaleedyada ay ku tagaan magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada hoose.