Uncategorized

Wasiirada Arimaha Dibada IGAD oo ka arinsanaya Xaalada Qaxootiga Soomaaliya ee geeska Afrika.

Wasiiradda Ururka Goboleedka IGAD ayaa ku kulmi doona Magaaladda Nairobi Waxaayna kawada hadli doonaan Xaaldda ay ku noolyihiin 1 Million oo Qoxooti Soomaaliyeed ah kuwaas oo ku Nool Wamadda Geeska Africa.

Wasiiradda ayaa sidoo kale waxay dib u eegis ku sameeyn doonaan sidii loo fuliyay Qorshe Howleed Xal loogu raadinayay Qoxootiga Soomaalida ah ay Sameeyeen Sanadkii tagay.

Qorshe howledkasi wuxuu Dhigayaa in ururku uu kaalin kageysto Dib usoo celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku Nool xeryaha Dibadda.

IGAD Wuxuu ka mid yahay Ururadda Gobolka ee Dadka Soomaaliyeed ka caawinaya in ay Dalka kusoo laabtaan.

Sanadkii tagay Shir ka dhacay Magaaladda Nairobi ayaa Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD waxay isku raaceen in Qoxootiga Soomaaliyeed loo Abuuro Jawi u suurta galinaya in ay si iskood ah u laabtaan.